Sawiro
halkan waxaad ka heli kartaan sawiro iyo taarikho lagu xusayo jacaylka iyo marxaladaha kala duwan ee uu aduunkana la soo maray waayo waxaa jirta in dad badan oo dunidan ku nool ay ku qancaan markay arkaan calaamado ku saabsan jacaylka ama taariikho hore u dhacay oo loo soo tebiyey
Maxaad ka Taqaan Markabkii TITANIc
kani waa markabkii jacaylka ee la magac baxay TITANIC wuxuu xigaaa dhanka midig bidixna waxaa xiga markabkii oylompic
Taj mahel
taaj maheyl waa gurigii u horeeyey ee loo dhisay jacayl waxaa la dhisay qarniyo ka hor wuxuu ku yaalaa dalka hindiya waxaa dalxiisayaal badan ay u tagaan daawasho maadaama oo uu yahay gurigii u horeeyey ee loo dhisay jacayl gurigan ayaa waxaa dhisay boqor magiciisa la odhan jiray shahshahan wuxuuna u dhisay xaaskiisa mumutaas mahal oo ku dhimatay da'da 39 jir oo uu aad u jeclaa waxa uu dhismaha gurigani soconayey 18 sano waxaan ka qaybqaatay dadyaw fara badan oo ka kala yimi caalamka dhismaha gurigan wuxuu bixiyaa iftiin aad iyo aad u qurux badan xiliga qorax soo baxa iyo qorax dhacaba waxaa gudihiisa ku yaala baraag ay ku jiraan biyo oo dacal u dheer .
sawir jacayl loo galo kee u wanaagsanaa?
sawir jacayl loo galo waxaa u wanaagsanaa sawiradii ay galeen rose iyo jeack qisadii markabkii TITANIC sawiradaa oo ilaa hada ay culimada sayniska iyo culimada cilmi nafsiga baadhaaba ay la yaaban yihiin sida wanaagsan ee ay u galeen sawirada ay ku dheehantahay jacayl xanbaarsan qalbi nadiifah
Qalbi
Qalbiga binu aadanku waa halka ugu qaalisan jidhka binu aadanka waana halka uu qofku ka noolyahay hadaba waxaa jirta in qalbiga binu aadanka marka qof ku soo biiro uu qofkii kale ee uu jeclaa banaanka u baxayo waayo qalbi ma jiro laba ruux wada jeclaan kara wada qaadi karan soomaaliduna taa way ka maahmaahday iyaga oo leh laabi laba u la '
SIDEE KU BARAN KARTAA FANKA JACAYLKA
Qofku ma dhasho isaga oo wax jecel laakiin waxaa haboon in uu barto fanka jacaylka waayo waa hilinka iyo iftiinka nolosha qofku markuu soo gaadho da’da 15 jirka iyo wixii ka danbeeyaba wuxuu dareemaa jacayl ha ahaado jacaylkaasi mid uu ku guulaysto ama uu ku guul dareysto waxaa in badan lays weydiiyaa sidee loo heli karaa jacayl dhab ah misana ku dhisan ixtiraam hadaba waxaa jirta in jacayku ku dhisan yahay kalsooni wuxuuna jacaylku raacaa khadka ay u jeexaan labda qof ee wada jilaya haduu yahay ikhyaali iyo haduu yahay mid dhab ah Sida aynu ognahay qofku wuxuu ku dhashaa keli wuxuuna ku dhintaa keli wax walba oo noloshiisa saameyn ugeysan karaana waxay ugu dhacaan keli ahaan sida ilbaxnimada aqoonta iyo jacaylka Inaku hadii aynu nahnay soomaali maynaan fahmin micnaha jacaylka waayo hadii qof qof jeclaado waan la yaabnaa taana waxaa hore uga hadlay Cilmi Ismaaciil Liibaan (cilmi boodhari) wuxuuna yidhi isagoo gabay ku tilmaamayey caadada xun ee soomaalida sidanCaashaqa haween waa horaa caadil soo rogaye Sayidkii carshiga fuulay iyo caliba soo gaadhyeWaxaa qaarba cayn looga dhigay ha is cajebiyeeneSoomaalidaa caado xune iguma caydeeneinaku hadii aynu nahnay soo maali way yared dadka is jeclaada waxaa jacayl ah oo la taaban karo waxaa u weynaa kii cilmi boodahari oo xiligaas loo yaqaanay waali hada se waxa ay dad badani gar waaqsadeen in uu jacaylku jiro waayo jacaylkan waa wax ilaahay inagu abuuray cid ka soo horjeesan karta oo odhan karta waa been ma jirto walaw la arko dad inkira jacaylka Waxaan hadaba dhalinta soomaaliyeed meel walba oo ay joogto kula talin lahayn in ay ku daalaan sidii uu qof waliba u sameysan lahaa jacayl suurto gal ah waayo qoomiyad walba wuxuu ilaahay ugu talo galay in ay iyagu dhexdooda isguursadaan inkastoo la arko aji nabi isguursada waxaan kaloo odhan lahaa dhalinta soomaaliyeed waxaad mid walawba ku dadaashaa in aad jeclaatid noloshana la wadaagtid inan soomaaliyeed waayo jacaylku wuxuu dhadhan yeeshaa marka hal af lagu wada hadlayo labada qofna ay ka soo wada jeedaan hal qoomiyad dhibta ugu weyn ee dhalin yarteena ka soo gaadha dhanka jacaylka ayaa waxay tahay in ay dhalin yarada badankeedu leedahay balwad balwadaas oo ah qaad iyo sigaar waxaa dhacda in marka wiil iyo inan soomaaliyeed isjeclaadaan aanay xidhiidhkoodu sii socon taana waxaa sababta dhibaatooyinka uu keenayo qaadka iyo sigaarku waxaa la arkaa oo in marka ay isla balamaan lamaanayaasha is jecel laga waayo gootii balanta wiilka taana waxaa sababta in uuna awood u yeelan Karin in uu ka soo kaco goobaha qayilka ma ogtihiin dadweynaw in jacaylku ka wanaagsanyahay kana nadiifsan yahay wax yaabo aad u badan oo dunidan korkeeda lagu hayo waxaa dhacda in aa dhalin yaro badani sidaa u fahansaneyn oo ay ka doorbidaan kana jeclaadaan goobaha qaadka taas oo ay keentay dhaawaca jidhka iyo dareemayaasha xubiga qaada oo uu qaadku wax yeelay ,sida loo jeclaado inan ama qof dumar ah ayuu wuxuu wiilku u jeclaadaa balwada uu leeyahay hadba waxay tahay wuxuu qaadku dilaa oo qalajiyaa fekerka iyo dareenka ah in uu qofku ka fekero dunida uu ku noolyahay wuxuu noqdaa qof mar walba ku nool nolol akhyaali ahDhibaatooyinka uu qaadku ku hayo dhalinyarada is jecel iyo bulshadeena waxaa ka mid ah in uusan wiilku ka fekerin mustaqbalkiisa iyo noloshiisa danbe iyada oo ay u cadahay halkii uu qaad ka soo heli lahaa Arimaha qaadka oo faahfaahsan waxaan soo bandhigi doonaa maalmaha soo socda
jacaylku waa shay aad iyo aad u cajaayib ah waa ka isku keena laba qof oo aan weligood is arag waa ka dareensiiya wiil in uu ku sugan yahay wado khaldan waa ka dadka dhex dhiga nolosha iyo mustaqbalka hadaba sawirkan kor kuxusani wuxuu ina tusayaa qiimah jacaylka iyo in aanu weli jacaylku ka suulin dunidan aan ku noolnahay waxaa jirta in dad badan ay u haystaan in uuna jacaylku ahayn wax jira laakiin taasi waa been waayo waxa aynu maalin walba aragnaa is bedel ku yimaada qofka kaa soo ka soo wajaha dhanka arimaha jacayl iyo nolosha waxaan odhan karnaa inaka oo khad racayna jacaylka iyo gabaydii laga tiriyey waa tiirka iyo aas aaska dunidan jacaylka dhabta ahi
W/Q Yaasiin Axmed Maxamed
aniga oo ah mid ka mid ah akhristayaasha web kan cusub ee la magac baxay dhambaalkiijecelka Liibaan axmed maxamuud waxaan aad iyo aad uga mahad naqayaa madaxa webkan Mr yaasiin axmed maxamed dadaalka uu u sameeyey dhalinyarada soomaaliyeed meela walba oo ay ku nooshahay waxaan kaloo mar labaad uga mahad lecinayaa sida dheeraadka ah ee uu ugu dadaalay soo bandhigida sheekooyin la yaab leh iyo qisooyin aad u farax gelinaya dhalinta soo maaliyeed meel walaba oo ay joogto waxaan rayi ahaanteyda leeyahay waa maalin ay guul weyn u soo hoyatay dhalinta is jecel ee soomaaliyeed meel walba oo ay ka joogaan caalamka





