Ragga aan kacsan xiliga ugu horeeye ee Sariirta oo xal loo helay riix halkan

29/02/2012 22:12

 

Dareenka taaganaha ah ee inta badan dhaxyaala lamaanaha isqaba ama isdoonaya ayaa ah mid iskiisa u yimaada ayadoona xiriirka ka dhaxeeya labada Jinsi ama labada macaan ay yihiin kuwa isku soo carfa oo xili walba is doon doono.

waxaa macquul ah xanuun jira ama maskaxda ninka oo maqan aawadeed uu u kacsan waayo ama uu u dareemi waayo in lamaanihiisa oo xiligaasi carweysan ( Kacsan) sidii uu u haqab tiri lahaa haraadka ka haaya dhanka Galmada, waxana dhacda in muda ah ka dib in xubinta taranka ragga ay kici weydo balse haweeneeda ay tahay mid hawadaa sare mareysa.

Maxaa kula gudboon?

1. Waa in aad feejignaataa xili walba oo ay kuu baahantahay xaaskaaga.
2. Waa in aad dareentaa xaalada jirta mar walba.
3. Waa in Dareekaaga uu la shaqeeyaa ama uu la kowsadaa Lamaantaada.
4. Waa in aad isticmaashaa Vitimiinada walba nuuca (E)-ga loo yaqaano oo la rumeysanyahay in uu badiyo dareenka dhanka Galmad, waxaana dabiici ahaana laga helaa khudrada caadiga ah.
5. Si aad ula jaanqaado Lamaantadana waa in aad ku sii mashquulisaa lamaantaada salaax ama taataabasho meel walba oo ka mid jirkeeda si aad u kasbato mudo kooban dareenka iyo maskaxda lamaantaada.

Hadii intaasi la waayo maxaa kula gudboon?

Waa inaad tagtaa ama aad la tashataa Dhaqtar si xanuunka ku haayo aad u hesho waxaana kaa saacideen karo Dhaqtar dhanka Saykoolajiga ku taqasusay oo kaa xambaari karo culeyskaasi.

badso isticmaalka Mooska xili walba maxaa yeelay waxaa laga helaa Vitemin (E) oo aan ognahay in uu wax badan ka qabto dhanka Galmada ama tabar darida inta badan soo waajahada ragga xiliga ciyaarta sariirta aysan bilaaban oo aan ognahay in ay tahay goob cidi ku ceebowdo niyad jab uusan waligii ka kabsan ay soo weerari doonto.