Qalbi furan

27/02/2012 23:19

waxaa jira 6-Jacayl Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 6-Jacayl kuwaas oo kala ah:-
1: Jacayl dhab ah: - Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo. 
2: Jacayl gaaban: - Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii ama uu hana waayo 
3: Jacayl danaysi: - Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma. 
4: Jacayl Xushmo: - Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan Rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri Karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta. 
5: Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado. 
6: Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.
 hadba waxaynu isku deyeynaa inaynu soo qaadano heesihii ama gabaydii ay abwaanadu u qaadeen jacaylka waxaana tusaale fiican ingoogu filan hesstii uu curiyey abwaan hadraawi  
                         JACEEL DHIIG MALAGU QORAY

        Jacayl dhiig ma lagu qoray
        Weli dhuux ma loo shubay
        Qofna saanta dhabarkiyo 
        Ma u dheegey feedhaha
        Dhabanada cad laga jaray
        Hadalkii ma lagu dhigay
        Xinjir aan is dhalan rogin
          Midabkeedu dhiin yahay
          Laga dhuray halbowlaha
          Weli dhiil ma lagu shubay
          Laba mays dhansiiyeen
          Sida dhayda xoolaha
          Dhag dhag maw wadaageen
          Weli laba is dhaarsaday
          Beryo dhacan nasiib iyo
          Dhul ku kala cillaala
          Subax dharabku kowsadey
          Dhedaduna cuddoon tahay
          Cidla aan dhir mooyee
          Wax dhaqaaqayaa jirin
        Jabaq maysku dhaadeen.
        Kulankii dhabta ahaa
        Riyo dhiifi keentiyo
        Dhalanteed ma moodeen
        Sida ay dhadhabayaan
        Dhawr jeer ma seleleen
        Af dhabaan dhab jamashada
        Ma ka dhoofay hadalkiii
        Bal dhaqaaq na kay tahay
        Dhihidii ma waayeen
        Ma ka dhabaqday xaajadu
      Ilma dhalatay xiisuhu
      Sida dhibic ma hiigaan
      Ma ka qubatay dhaayaha
      Ma ku qoyey dharkoodii
      Naxariis ma dhidideen
    Iyagoo dhanqalankii
    Dheel dheelli mooyee
  Dhegna aanay kaga jirin
    Kolba erey dhex roorkiyo
  Dhumucdii ka maqantahay
  Dhitinaaye keligii
  Ka dib tooban dharaarood
  Carrabkiyo dhanxanagii
  Dhirindhirid ma ku heleen
  Laba guul u dhalatoo 
  Isu dhiganta weeyee
  Dabadeed dhabeeshii
  Hanadkii ku dheeraa
  Dhudi mays bariidsheen
  Dhubbad qaadka sheekada
  Qofba dhagarta caashaqa
  Wixii dhaaxo soo maray
  Ma dhex galay kalkiisii
  Ma akhriyey dhambaalkii
  Warka maysu dhiibeen.
  Kalgacayl dhito ahaa
  Dhamac iyo dab huriyeen
  Dhuxuliyo ladh soo kacay
  Hadba dhoon ma buuxsheen 
  Kolba dhacan ma jiideen
  Dhacdadiyo u jeedada
  Qofba dhaadashada guud
  Qofka kale dhankiisii
  Inaan looga soo dhicin
  Ma ku dhaabadeeyeen
  Sannad mays dhegeysteen
  Ma dhalaalay waagii
  Dhag ma tidhi cadceedii
  Intay soo dhaqaaqeen
  Iyagoon ka dheeraan
  Dhaqankiyo xishoodkii
  Dhaymana u jeel qaba
  Iyadoo dhexdoodii
  Dhulka suxul banana yahay
  Dhibta maysla taageen
  Wax intaa ka sii dhow 
  Ma ku dhiiran waayeen
  Dhayal laysu taabtiyo
  Dhallinyaro habkeedii
  Ma ka dhega adaygeen
  Dhadhansiga miliilica
  Isha mayska dhawreen
  Dhabbaday is taageen
  Qofba dhaabaddiisii
  Sara joog dhankiisii
  Kun habeen ma dherernaa
  Dhudhummada aboorkii
  Dhulka hoose kaga baxay
  Dhilashada jidhkoodii
  Ma dhanbalay sartii guud
  Ma dhammeeyey hilibkii
  Xidididada ma dhaawacay
  Ma u dhaafay seedaha
  Lafta hoose maw dhacay
  Dhiilluu ku geliyaa 
  Ama waad dhalliishaa
  Dhagartiyo wedkaagee
  Dhimashada kal iyo laab 
  Ma ku soo dhaweeyeen
  Dhoollaha ma ka qosleen
  Ubax dheelka subaxdii
  Naxariis ku dhaashtoo
  Afka dhiin cas mariyoo
  Dhaddigiyo labkisii
  Laba dhude isugu maran 
  Ma is dhaafsadeenoo
  Dhaxal maysu siiyeen
  Dhuuni kawlka caashaqa
  Maysu sii dhadhamiyeen
  Ereygii dhinaa hadal
  Dhegta maysu saareen
  Dhafan dhaaf aboorkii
  Ma dhufsaday cammuudii
  Ma u qaatay dhoobada
  Dhab-dhabkiyo kabkabidii
  Labadaba ma dhalan rogey
  Dhismo kale ma soo baxay
  Ma ka dhigay wax yaabliyo
  Dudun dherer ku caanoo
  Dhumuc iyo laxaad weyn
  Dhalan dhoolka maantii
  Dadku dhacarta jiilaal
  Ma dhasaday dharaartii
  Ma ka dheelmay galabtii
  Iyadoon la dhaadayn
  Sheekada dhabteediyo
  Dhabar weyntan hooska leh
  In dhexdeeda laba ruux
  Runta kaga dhur sugayaan
  Haddaan laysu dhamanayn
  Nafta laysu dhiibayn
  Ama dhaxal tis qaadiyo
  Dhismo aqal la taagiyo
  Ubad iyo dhaqaaliyo
  Dhaqan reer la kala sugin
  Dhunkashiyo u jeedadu
  Tahay dhaayo guudkood
  Waabay la dhabaqsado
  Dhereg iyo markaas qudha
  Ama sida dhurwaayada
  Hilbo gabadh dheg roonoo
  Higlo loogu dhuuntoo
  Dhakhso loogu kala baxo
  Ninba waxa dhabbacashada
  Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan
Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman.
  JACEYLKU MA DHAB BAA MISE WAA      DHALANTEED..?

Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! 
Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waaDhalanteed? Ma Cudurbaa mise  maaha. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay?

Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed.....?

Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata Ayuu uurka ka yiraahdaa.

Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray.

Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa? Tani mabaaha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa.

Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene.

Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu maihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho laaan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan.

Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba maahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEHSidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aamisni jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba Dadoow ma ogtihiin hadii uu jeceelka jiri laheen aduunyada ba ma joogteen waayo   jaceelka waa wax aan waligiis aan la dhihi karin ma jiro ,taas   dadka aaminsan waa qaldan yihiin , dadka dhahaan jaceelka waa wax jira weey sax san yihiin waayo jaceelka   waa halis qof   hadii uu ku jeclaado oo wax la qaban weyda taas waa qalad ma ogtahay qofkaas waxeey ku sugan tahay .... waa jiraan dad oo daacad ka aheen jaceelka balse   marmarka qaar ee been sheegaan kuwaas waxba looma qabta lakiin caanshaqa ma ogtahay in uu halis yahay hadii aadan ogeen hadaba baro,
Cudur weeye   caanshaqu
Culumada quraankiyo
Cilmi seyniska kuwa dhiga
Ma cadeyn karaanoo
Ciladiisu waan weeyoo
Ceynkiisa lama garan
Maxaa leey cirbadayoon
Ku casheeyay aasbaro
Caatana ka sii helay 
Cuudna waa la ii shiday
Cisbitaalna waa galay
caafimaadna maan helin
Labadii is calooshata
Hadan ciid la kala geyn
Cagahaa isu keenee
Calaf haysu keen simo
Cajaa'ib weeye dhib badan hadal weeyee
Cakiran caashaq weey haysaa curdun weeyee
Ugub ahoo aan wali curane. Dadoow ma ogtihiin in jacelka uusan aheen mid dheel dheel ah, base   jaceelka ma ah wax lacag ah oo lagu iibsado lakiin dadka qaar waxeey raacaan lacagta, kahelid macnaha qurux ee qofka ka hesho, jaceel waali ah eey qofka u qaato qofba si uu wax u doorsadaa waayo midkii ku an faca ayaa   kala baxdaa   rag iyo dumarba dadka qaar waxeey dhahaan,
Maxaa laba ruux is raba
Maxaa gacal iyo xigaal
Maxaa la isugu diraa
Mashkilad iyo muran qabiil
Mixnadu way reeban tahay 
Su'aal beey dadka taban
Jacelku waa mid weyn
Axdi adag beey u maraan 
Haddii wax walibaa dhacaan 
Afkooda ma furriin ma karo.
waayo jeceelka waa wax dhab ah oo sidaas aada ragteen had iyo jeer, waxaa   jiray maalin maal maha ka mid ah   gabar soomaaliyeed ayaa will jeclaatay markaas beey u sheegatay jaceelkeedii beey tiri walaalo adigaa kaa helay oona ku jeclaaday walibana jeceel dhab ah ,waxeey na u raacisay tixdaan geeraarka   oo ah sida tan,
Dhibaatada jaceylka ah
Way ku dhalan rogtaayoo
Dhaawaca jirkaagana
Waad la dhuubataayoo
Arar iyo laxaadkana 
Wuu i kala dhantaalmoo
Dhabanka iyo gacmaha
Way isku key dhageen.
ee walaaloow wax   ila qabo adigaa ku jeclahay , markaas buu ugu jawaabay walaal  anigaba markii hore baan kaa heloo adigaa kuu iil daran nahay ee wax ila qabo oo u raaciye tixdaan asagana ,
adaa dagay laabtii
saableyda oo idil
Dabaq baad ku leedahay
Daacad iyo dulqaad iyo
Dadkaan kaaga soocdee
Go'aankeygu waxuu yahay
Inaan wada dal xiisnoo 
Dunnida ku gaaf wareegnoon 
Ku digleyno farxad
Daar xalaal yagleelno
Garabkeyga istaag
Ha bulaalo jeceeluye.
Wiilkii iyo inantii jaceelkaas baa dhax maray waxaa sii batay jaceelkood   hadii aad fahantay jaceelkaba waa intaas. 

 Qoraa: yaasiin axmed Maxamedwaa (yasin Lucky.R)
abwanka da’dayar ee u hawl galay in uu ka hadlo arimaha jacaylka iyo xidhiidhka lamaanayaasha is jecel              Ma ogtihiin dad weynaw in jacaylku yahay dareen kaa dhexdhasha lamaanayasha kaa soo sababa in kalsooni qoto dheeri dhex marto labada qof ee isjeclaaday hadaba iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa la sheegaa in aan qof lagu kalsoonaan Karin waayo waxaa la arkay in dad badani ay balnata iskaga baxaan inagoo soo qaadanayeyna gabeygii uu abwaan yaasiin curiyey ee ay ku jirtayRaxmay waxaa jira laba uu ilaahay ku mideeyey noloshoo cishqi wada sameeyey misna aan aroosiyo raaxada aduunyada weligood wadaagin sababtuna waxay tahay midkoodbaa sagsaagoo balantii jacaylkiyo wacadkii ka leexdoo balantii burburiyee  Abwaan yaasiin axmed maxamed wuxuu tuduca ka mid ah gabaygiisan inagu dareensiiyey in ay adagtahay sida loogu kalsoonaado qof binu aadan ah maadaama oo dhaawac badan kaa soo gadhi karo hadii aad weydo jacaylkaaga Waxaa jirta in uu jacaylku yahay shayga keliya ee qofka binu aadanka ah nolosha wax ka tusi kara balse wuxuu aakhirka ku danbeeyaa dhib iyo murugo waxaa welwel kugu noqonaya jacaylkaaga iyo sidii aad ku heli lahayd  Q : yaasiin axmed maxamed  Hadaladii maxamed iyo buuga 500 page ah ee la magac baxay (Nabse Ha gelin  Hab lagaa Galee !) 2008     Walaal macaan hadii aan ku jeclaaday oo daka kaaga soo go’ay maaha in aad sidaas iila hadashid ismana lahayn qotii aad jeclaatay ayaa sidaaas kuu gelaysa ma ogtahay in jacaylku yahay dareen aanad fahmi karayn goorta uu ku haleelo hal su’aalse aan ku weydiiye maxaad sameyn lahayd hadaad booskayga ku jirto ama sidaan kuu jeclaaday aad ii jeclaan lahayd   Q : yaasiin axmed maxamed Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan meel walba oo aad joogtaan E-mail yasin99@live.co.uk    Hadaldii cismaan iyo buuga la magac baxay (DHADHAN MA LAHA CAASHAQU HADAAN LAYSU DHIMANEYN) 2007  Walaal ma jeclaan lahayd in aad beer beerato kadibna mara ay kuu soo dhawdahay xiliga ay mudhuhu kuu soo go’i lahaayeen  qof kale kaa goosto ? Waa maya  waxaan uga jeedaa walaal anigaa nimco jecel adigan waxaan kaa codsanyaa in aad aniga dartay u dhaafto maadaama oo aan arinkan kaa codsadayQ yaasiin axmed maxamed       Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan meel walba oo aad joogtaaan E-mail shahruu99@hotmail.com             Inyar oo ka mid ah buuga la magac baxay (HILINKII NOLOSHASHA) 2009 waa qisi dhab ah oo ka kooban 500 page waxay ka dhacday wadanka soomaali land gaar ahaan hargeysa waxaa qalinka u qaatay Qoraaga caanka ah ee aad taqaaniin ahna madaxa webkan la magac baxay dhambaalkiijeceylka.8m.com oo ay mataano yihiin web kan kale ee isna la magac baxay  dhambaaljacayl.8m.com                        Mr : yaasiin axmed maxamexd   Mustafe wuxuu ahaa wiil ku soo koray nolol rafaad ah yaraantiisii muu arag wax daryeel hooyo ah aabihiina wuxuu dhintay markii uu 6 jir ahaa musfate wuxuu xilkiisa qaaday adeerkii walaalkii la dhashay oo ahaa nin aad u kibir badan xaaskiisa oo uu aad u jeclaana wax walba oo ay u shegto ka maqli jiray mustafe adeerkii wuxuu dhalay saddex qof oo laba wiilal yihiin midna inantahay.Mustafe noloshii yaraantiisa waxaba Kama uu xasuusan karo laakiin waxa kaliya ee uu xasuustaa waxay ahayd maalin ay isku dhaceen wiil kamid ah wiilasha adeerkii dhalay kadibna wiilka hooyadii oo ahayd islaantii uu adeerkii qabay ay sixun u dishay iyada oo ku lahayd shaydaan ayaad tahay ee sidee wiilkayga gacan ugu qaadaa  Faaduma oo ahayd islaanta uu adeerkii qabo waxay si aad ah u necbayd mustafe wax ay ku necbaatayna lama sheegi karo Cabdale oo ahaa mustafe aadeerkii muu oofin balantii uu ka qaaday walaalkii ka weynaa oo ahayd in uu wiilkiisa heer gaadhsiiyo wax barashana ku daro, mustafe wuxuu garaad saday oo nin weyn noqday isagoo ku jirada kishada guriga adeerkii una xil saaran in uu sameeyo dhamaan cuntooyinka loo baahdo mustafe wuxuu garaad yeeshay isagoo ah qof la adoon sado oo ka shaqeeya guriga adeerkii haday tahay hawl la qabanayo iyo haday tahay dhanka shaqada guriga Mutafe wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan hasa ahaatee quruxdiisu marnaba may muuqan jirin maadaama oo uu isa aha wiil aaan kishada iyo cunto karinta ka baxayn mustafe wuxuu ahaa wiil aad u dabeecad wanaagsan dulqaad badan mustafe isaga oo wax walba u jeeda arkana sida ay adeerkii iyo reerkiisu ugaleen ayuu misana ahaa wiil aaan ka eed sheegan wuxuuna mar walba ilaahay ugu mahdin jiray si walba ha u galeene koritaanka ay soo koriyeen una buuxiyeen booska labadiisii waalidMustafe wax barasho nooc ay ku tahay muu aqoonin wuxuu se nasiib u yeeshay in uu barto akhrinta iyo qorida afkiisa hooyo mustafe wax mushahar ah ma lagu siin jirin shaqasan uu maalin walba qabanayo ee ah hawsha guriga, waxaa bishii hal mar loo ogolaan jiray in uu suuqa aado inta uu adeerki siiyo lacag waxoogaa ahMustafe maalitaa uu suuqa soo aado waxay uga farxad badneyd boqol sano oo soo Marta Nafsad ahaantiisana mustafe wuxuu jeclaa in uu akhristo buugaagta sheekooyin eeku qoran afkiisa hooyo haday yihiin kuwa jacaylka iyo haday yihiin qisooyin kale oo ka dhacay caalamkan mustafe maalmaha uu suuqa soo aado wuxuu iman jiray maktabad buugaagta  Waxaad sheekadan oo dhameystiran kala soo xidhiidhi kartaa maxada web page ka  Mr: yaasiin axmed maxamed abwaan yare           Dhibaatooyinka JacaylkaSidaynu horeba u soo sheegnay waxaa jira dhibaatooyin badan oo uu jacaylku u gaysan karo qofka binu aadanka ah waayo aduunyadan korkeeda way yartahay inta qof si dhib yar ku helay jacaylkiisaJacayl walba oo la semeeyo oo ay lamanayaasha is jeclaaday wadagaan wuxuu ku dhamaadaa in ay is waayaan hadaba mar keliya ma lays weydiiyey waxa sababay is waagan? Mise ilaa hada ma jiro qof ka fekeray arinkaas? hadaba akhristaw waxaa dhacda in labada qof ee is jeclaadaa aanay waayin cid ku cadaw noqota haday tahay labada waalid iyo haday tahay wiil kale oo soo dhex galay jacaylkooda kuna noqoda saddexeeye waxaa dhacda in marka arimahaasi yimaadaan aan meesha laga waayein dira diraale iyo in war loo kala geeyo lamaanayaashii is jeclaa taasina waxay sababtaa in kalsoonidoodii hoos u dhac ku yimaado ilaa uu jacaylkaasi noqdo mid burbura waayo wax walba waa kalsooni guri lama dhisi karo sees la’aan jacaylna lama dhisi karo kalsooni la’aan Waxaa la arkaa in labada qof marka ay si bartaan ilaa inta jacaylku ku faafayo unugyada jidhkooda ay six dhaaf ah isagu soo dhadhabaan isuna raadiyaan wada hadalkooduna bato hadaba maxaa sababa hadii uu jacaylku gaadho mudo laba sano ah in wada hadalku yaraado? taas waxaa sabab sidaynu ognahay wiil waliba wuxuu jecelyahay in uu aduunyadan tabcado oo uu meel ka muuqdo habluhu se way ka fikrad duwan yihiin waxayn jecel yihiin in ay guursadaan ilmo dhalaan keibna ay arkaan ubadkooda oo hortooda ku ciyaaraysa dhibta u weyn waxa keena marka ay inantu wax hadal aroos ah ka weydo dhanka wiilka wiilkuna uu ku tashado in uuna dhakhso u guursan taasi waxay sababaysaa in ay inantu go’ansato ama aanay ka diidin hadii aabeheed yidhaahdo wiil ayaan ku siinayaaHadaba maxaa lagaga hortegi lahaa arinkaa dhibta u keenaya umada iyo bulshada? Waxaa taa inooga waramay Qoraa Yaasiin Axmed Maxamed wuxuuna yidhi Waxaan anigu rayi ahaanteyda wiil iyo inan walbana kula talin lahaa in ayna is lug gooyn maadaama oo jacaylkoodu sidaa ku dhamaanayo waxaana haboon in wiilku marka uu noloshiisa meel ku soo hubsado u u soo jeesto arimaha jacaylka xiligaasna sidaan fialayo ma waaynayo inan uu jacayl la jilo kadibna uu guursado.Waxaynu odhan karnaa xiligan la joogo ma jiro jacayl dhab ah taana waxaa u sabab ah marka aad milicsatid hareerahaaga oo aad aragtid sida uu jacaylka dhabta ahaan jiray isu bedelay waxaad arkaysaa laba qof oo leh waan is jecelnahay misana aan isku kalsooneyn maxaynu odhan karnaa way sababtay?Runta hadii aan idinkala hadlo dhalinyarada iminka joogtaa way ka beensheegtaa jacaylka waayo jacaylku wuxuu lahaa xuduud, xaq iyo wanaag lagu yaqaanay hada se waxaad moodaa in meel looga dhacay