maqaalo jacayl ah

27/02/2012 23:15

 

 Jacaylka ka dhaxeeya waalida iyo awlaadiisa

Jecelku waa wxa ugu qaalisan ee laba qof ka dhexeeya, inata badanna keenaa kalsoonida iyo wax isu huridda, labada qof ee ugu horeeyaan iney jacayl iyo kalgacaylaba abuuraa waa waalidka iyo ilmihiisa, hadaba sideed u abuuri kartaa jacayl adiga iyo ilmaaga idinka dhexeeyaa, aqoonleyda ku takhasustay cilmiga tarbiyadda waxay tilmaamaan 24 hab oo aad ilmahaaga ugu muujin karto jacaylkaaga waxaana ka mid ah.

  • inaad ilmahaaga la qaado waqti badan, mid waliba inaad la qaadato waqti adiga oo mid waliba wuxuu jecelyahay la sameynaya, mid aad la cayaarto ciyaarta uu jecelyahay, mid aad meesha uu jecelyahay la aado, mid aad maqaayad waxa ka soo wada cuntaan, mid aad uga sheekeyso sheeko uu jecelyahay, arimahaasi oo idil waxay u muujinayaan in waalidkood jecelyahay.
  • Waxaad ilmahaaga galisaa kalsooni, adiga oo dhiirigalinaya dadaadlkooda iyo waxqabadkoodana qiimeynaya kuna abaalmarinaya xataa haddii wax yar oo aan adiga qiimo kula lahayn uu sameeyo.
  • U dabaaldag howlmaalmeedka ay soo qabteen, tusaale inaad maanta qado gaar ah la sameeyo waayo hebel ilig ayaa ka dhacay oo waa uu weynaaday, mida kale ayaa maanta kooxdiisii kubadda cagta guuleysatay, mid kale ayaa maanta imtixaankii darajo fiican keenay , mid kale ayaa maanta macallimadiisii soo amaantay, mid waliba u tus inuu agtaada muhiim ka yahay oo waxqabadkiisa aad ku farxeyso una dabaaldageyso, iska ilaali inaad diiradda aad saarto mid ama laba kaliya ee cadaaladdu waxay ku jirtaa inaad mid waliba guusha aad u muujiso aad daneyneyso.
  • Bar ilmahaaga fakar wanaagsan iyo waxqabadka wanaagsan,tusaale haddii uu wiilkaaga dugsiga uu ka yimaado isaga oo wada wasaqeysan ha canaanan ahana ku qeylinin sida haboon ee caqliga saliimka ah keenayo waa inaad tiraahdaa " Alley lahee maanta si wanaagsan ayaad u soo cayaartay waad daallan tahay gaajo badanna wey ku haysaa " hadalkaasi wuxuu albaabada u furayaa inuu kugu farxo oo uu kugu kalsoonaado, waxa aad u sheegi doontana uu si niyad furan u dhageysto kaana qaato, markaa ka dib inaad u sheegto inuu si daggan u cayaar oo uu dharkiisa wasaqda ka ilaaliyo , waayo ilmuhu marka uu wax soo qaldo wuu ogyahay mowqifkiisa wuxuu isu diyariyanaa is difaac iyo ka hortag canaanta iyo qeylada waalidka , ilmaha qaar ayaa isku difaaca oohin , qaarna aamus iyo xanaaq , qaar kalena muran iyo qeylo kaa horkeena, si aad intaasiba uga fogaato waxaad waalidow albaabada u furtaa iridda jacayl adiga iyo ilmahaaga oo ah hadal dabacsan oo ilmaha ka xishoodsiiya is dadbanna uga saxa qaladka sida eraydii aan soo sheegnay oo kale.
  • Waxaad ilmahaaga uga sheekeysaa yaraantoodii, sida ay ahaayeen wixii ay sameyn jireen waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee soo maray iwm.
  • U sheeg iney jiraan waxyaabo badan oo aad iyaga ka baratay,tusaale wiilkaaga oo maalin ku tusay alaabta aad dukaanka ka soo gada lahaydeen meesha ay taallo, inaad had iyo goor u sheegto inuu isaga ku baray alaabtaasi meesha ay taal, ha yareysan arinta waayo ilmuhu waxay u fadhidaa qiimo weyn inuu waalidkii wax u qabtay ama waxbaray waxay abuurtaa kalgacayl idin dhexmaraa.
  • U sheeg inaad ku faraxsan tahay inaad tahay waalidkood , iyo inaad aad u jeceshahay korriinkooda.
  • U daa ilmahaaga doorashadooda waxa ay xiranayaan, waayo waxaad ku barbaarineysaa inaad ixtiraameysa ra'yigooda iyo doorashadooda, taasoo keeneysa iney iyaguna si aad ah u ixtiraamaan go'aankaaga.
  • Dhexgal ilmahaaga marka ay cayaarayaan, la cayaar kala qeybgal marka ay waxa sawirayaan ama midabeynayaan ama wax isku rakibayaan ama ay kubad cayaarayaan.
  • 10 La soco jadwalka waxbarasho ee ilmahaaga, sidoo kale macallimiintooda iyo saaxiibadood, si marka aad kala sheekeysaneysa habeenkii wixii ay dugsiga maanta kala kulmeen adiga oo aan weydiin su'aal guud ee ah " maanta dugsigii ka waran ? oo ah sida waalidku u badan yahay, laakin aad weydiiso macallimaddii heblaayo ka waran ama saaxiibkaa hebel ka waran adiga oo magacyadooda sheegaya , sidoo kale maadooyinkii ay maanta soo qaateen iyo meesha ay marayeen weydiinaya , waayo mar waliba oo aad weydiisaa su'aal guud wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab guud sida fiican , waxba OK iwm, laakin haddii ay su'aashu ahay mid tilmaaman oo magac iyo maadaba tilmaameysa wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab tifatiran isaga oo ku faraxsan niyaddana u sheegaya waalidkaa wuu kula socdaa aad ayuuna u daneynayaa dugsigaaga iyo waxbaashadaada.
  • 11 Haddii uu wiilkaagu doono inuu wax kuu sheego waa inaad u soo jeedsataa oo aad indhihiisa iyo afkiisa eegtaa , waana inaad tustaa inaad daneyneyso sheekadiisa oo aad xiiseyneyso waxa uu kuu sheegayo, iska ilaali inaad wax kale isku mashquuliso marka uu wax kuu sheegayo buug aqrin , cuno karin iwm.
  • 12 Uga sheekee dhinacaaga wixii aad maalintaasi la kulantay , ugan dhig caado joogta ah oo aad barto inaad uga sheekeyso howlmaalmeedkaaga waxaa soo sameysay cidda aad la kulantay wixii kaa qosliyay wixii kaa yaabiyay iwm, taasina waxay keeneysaa in iyaguna ay dhinacooda si tafatiran kaaga waramaan wixii ay la kulmeen.
  • 13 Warqad yar ugu qor erayo muujinaya inaad jeceshay, sida aad ayaan kuu jeclahay, fariid baa tahay iwm, una gali barkinta hoosteeda haddii aad baxayso iyaga oo jiifa ama u dhexgali shandadooda dugsiga si ay u ogaadaan inaad mar waliba niyadda ku hayso xataa haddii aad maqan tahay.
  • 14 U muuji ilmahaaga inaad jeceshahay,xataa haddii aysan kula joogin tusaale inaad codka kor u qaado isaga oo qol kale ku jira adiga oo amaanaya ama tilmaamaya inaad jeceshahay.
  • 15 Haddii ay ilmahaagu wax sawiraan, sawirkaasi darbiga ku dhaji dareensiina inaad ku faraxsan tahay waxqabadkaasi.
  • 16 Iska ilaali inaad ilmahaaga kula dhaqanto sidii uu waalidkaa kugula dhaqmi jiray waayo taasi waxay inta badan keentaa qaladaad, sabab, labada xillig oo kala duwan iyo adig iyo iyaga oo kala duwan marka xilliga iyo qofka oo kala duwan darteen iska ilaali inaad sidii laguugu soo dhaqan inaad ku dhaqdo , ee sida wanaagsan marxaladda iyo qofnimada ku haboon ku dadaal.
  • 17 Waad inaadan ilmahaaga kala hortagin waad qaldan tahay, haddii uu qalad sameeyay ee waa inaad tiraahdaa haddii aad sidaasi yeeli lahayd qaladkaasi ma dhaceen, dabadeedna aad barto sida saxa ah.
  • 18 Waa inaad sameysataan adiga iyo ilmahaaga eray sir idiin ah ama tilmaam idiin gaar ah oo aad ugu muujineyso inaad jeceshahay
  • 19 Isku day maalin waliba oo cusub inaad bog cusub furataan, lana ilaawo qaladaadkii shalay iyo wixii ka horeeyay, maalin waliba oo cusub waxay leedahay fursadeeda cusub oo aad isugu muujin kartaa jacaylkiinna iyo kalsoonidiida waana iney ilmuhu baraan.
  • 20 Ilmahaaga ugu muuji inaad jeceshahay siyaabo kala duwan sida dhunkashada, dhabta oo aad saarto , laabta oo aad ku qabato iwm, si kasto oo aad u badiso hababkaasi ilmuhu waa jecelyihiin ha yaraadaan ama ha weynaadaane.
  • 21 Waxaad guriga ku sameysataan sanduuq boosto oo aad adiga iyo ilmahaagu isku weydaarsataan waraaqaha uguna muuji waraaqahaasi inaad jeceshahay wixii ay qabteenna aad uga mahadcelineyso.
  • 22 Xusuusnow had iyo goor jacaylka waalidku inuusan shuruud lahayn, sidaasi daraadeed waxaa qalad ah inaad wiilkaaga ku tiraahdo " aniga waa ku jecelahay waayo imtixaankii ayaad gudubtay ama haddii aad waxaasi sameyso waa ku jeclaanayaa " waayo taasi waxay keeneysaa inuu ilmuhu is tuso kaliya inaad jeceshahay marka uu guuleysto oo haddii uu guuldareysto aadan jeclaaneyn , waa inaad u gudbisaa dhanbaal ah inaad abid jaceshahay waayo wiilkeyga ayaad tahay , dhinaca kalena inaadan shakhsiyaddiisa wax ka sheegin haddii uu qaldamo ee aad ka saxdaan wixii uu qalday ama aad ku dhiirigalisaa inuu marka soo socda guuleysto haddii uu hadda guuldareystay adiga oo tusaya inaad jeceshahay.
  • 23 U muuji ilmahaaga jacaylkaaga adiga oo daneynaya ra'yigiisa kala tashanaya arimaha qaarkood, qadarinaya dareenkiisa , tusayana inuu yahay qof muhiim ah qoyska dhexdiisa lagan ixtiraamo dadaalkiisa iyo kartidiisana abaal lo ohayo , qaladaadkiisan loo dhaafayo haddii laga qaldamana laga raali galinayo,.
  • 24 Ugu danbeyntii xusuusnow tiirka aasaaska u ah tarbiyadda wanaagsan waa xiriirka wanaagsan ee adiga iyo ilmahaaga idinka dhexeeya kaasoo dhaliya jacayl aan xad lahayn kalsooni iyo isku xirnaanna keenaa.

Haddii aad talaabooyinkaasi ku dadaashaa si sax ahan u fulisaa waxay keeneysaa in keydkaana jacaylka ilmahaaga uusan marnaba marnaaneyn oo uu badanayo.

soo uruurintii iyo diyaarintii C/casiis Aadan Faarx "Blacky"

    

jacayl aan in badan ku hamiyaaye balse aanan helin

Dhacdadani oo ah mid si dhab ah u dhacda 2009-03-24 ayaa waxa ay ku dhacday wiil lagu magacaabo maxamed muqtaar.waxaana filaayaa in ay dhacdadani tahay mid aay ka wada heli doonaan dhamaan aqristayaasha wargeyska dhambaal Maxamed oo iiga waramay dhacdadaan ayaa waxa uu iigu war bixiyay sida tan:-( jaceylkeyga waxa uu ahaay mid soo taxnaa ilaa iyo mudo sedax sano ah sidaas darteed gabadhaas ayaa waxay aheyd gabadh aanu fasal wada dhigan jirnay oo markii hore si walaaltinimo ah isku baranay kolkii xigtayney aanu daalacnay dhaankaa iyo jaceylka. Anig oo cabiraaya ra’yi ahaanteyda waxaan aaminsanahay jaceylka ku bilaawda walaaltinimada ayaa ugu wanaagsan jaceylada Run ahaantii gabadhaasi waxa ay aheyd gabdhii ugu horeysay ee aan si dhab ah u jeclaado waxayna I tustay micnaha jaceylka iyo sharaftiisa jaceylkeeduna maahan mid aan si fudud ku iloobi karo sidaas waxaa yidhi maxamed. Asagoo hadalkiisa sii wato ayaa waxa uu intaasi ku daray markii aan in mudo ah wada soconay ayaa waxaan ku heshiinay guur kabacdina waxaan dhigaynay guur hoosahoosey ah nasiidaro se waxaa warkeena si hoose uga war helay abtigey waxa uuna igu waaniyay in aan arimahaan Farah kala boxo hadii kale aan kala kulmi doona arimo kale Intaas ka dib arinkaas oo ii cuntami waayay ayaa waxaan ula tagay jaceylkeygii una soo bandhigay arinkii iyo wixii aan abti isku odhanay. Wada hadal dheer ka dib waxaan isku afgaray in aan abti aa ku idhaahdo abti waan iska daayay afka lee ah ee aan uurka jirin. Arinkii kolkii aan u sheegay abti gadaal waa ay udhaafi weyday oo waxaa uu yidhi hadii ay run kaa tahay horteyda halagu kala tago indhaheygoo shanta ah.Halkaas ayaan ku kala baxnay aniga jaceylkeygii maryan, anagoo ku qanacsaneyn sida uu abti wax u waday laakiin waxaas oo dhan waxaa ka weynaayay amarka abti Isku soo wada xooriyoo saaxiibtey maryan waxaan ka wada hadli jirnay qadka anagoon sidi hore isku aheyn. Alle amarkiis maryan waxaa looga yeedhay Kenya oo uu aabaheed leen America ah uga diyaariyayKenya deetana aan maqlay in ay uga sii gudubtay U.S.A Ilaa iyo iminka mahaayo meel aan kala xidhiido Hadaba akhristow hadii ay kugu dhici laheyd arinkaan oo kale maxaad sameyn laheyd?

Qore axmed maxamed faarax (indhajaceyl)

 

 

            jacayl qurbo kugu galay qalalaasihiisu badanaa

 

 

Jaceylka ayaa waxa uu noqday mid ka mid ah tiirarka ay ku taagantahay dunidu.hadana waxa uu leeyahay caqabado aan halkaan lagu soo koobi Karin. Haba ugu darnaatee midka qurbaha kugu saameeya ama kaa helaMar ay waresiyo kala duwan kasoo qaaday bahda dhambaalka jaceylka dadweyne badan oo ka mid ah da’yarta iyo dhalinta magaalada ayaa waxay isku si uga wada hadleen arinka jaceylka qurbaha laakiin labadii qiso ee iigu yaabka badnaayd oo sida aadka ah an ula yaabay ayaa waxay ay kala ahaayeen {nin ay hawadu caqabad ku noqotay taas uu qarka ufuulay in uu jaceylkiisii waayo iyo nin xaaskiisi oo uur ninka kale uleh ugu tagay UK!!!!!Mid ka mid ah ayaa waxa uu u war bixiyay sida tan (habeen habeenada ilaahey ka mid ayaa waxaan damcay in aan waco xaaskeyga oo joogtay wadanka new Zealand nasiib daro habeenkaas ma’aanan helin balse habeenkaas wax dhib ah uma aanan arag. Habeenkii labaad ayaan wacay sidii si lamid ah leygama qaban, shaki ayaa igalay waayo qoftaan waxaa jiray xili aan wici jiray markaasna ay iga qaban jirtay yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaab! Alla in aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban! Aniga oo su’aalo fara badan iska weydiinaaya waxa ku dhici Kara ifraax jawaabata aan ka helaayay maskaxdeyda haba ugu badnaatee {war miyey ku nacday ifraax} yaaba aheyd oo in badan maskaxdeyda kusoo noqnoqotay.Waxaan si hal haleen ah uwacay shaadiyo oo aheyd gabadh ay guri kuwada noolaayeen oo aan islahaa xoogaa faahfaahin ah ayaad ka helaysaa. Shaadiyo waxa ay iga qabatay telkii waxa ayna ii sheegtay in ifraax ay fiicaneyd walibana aysan wax shaqo ah aysan laheyn maalmahaan ayadna aysan xaafada haatan joogin balse ay hada waceyso oo ay ku Oran doonto telka qaboMarkaas ayaan hadaana ku celiyay arinku meeshiisii hore ayuu sii cuskaday yaab waxaan ku celiyay gabadhii oo ii sheegtay in aan soo wacaayo sheet! Sheet! Habeenkaas ayada oo aan neerfoose ahay ayaan ka baxay goobtii. Oo xitaa aan isleeyahay armada tagi weydaa guriga saan u wareersanahay awgeed.Habeenkii sedaxaad ayaan wacay hadana balse waxaa halkoodii kasii socday guuldarooyinkii jaceylkeyga laakiin habeenkaas go’aan ayaan gaaray kaas oo ahaay in aan dib danbe aanan u wicin ilaa ay iga soo waceyso laakiin go’aankaas ma aheyn mid xageyga ka hir galay ileen horay ayaa loo yidhi {ruuxaad jaleecdoo ubeerjileecday jinni kaama celiyee} habeenkii afaraad ayaan iska xaadiriyay goobtii taleefanada oo ku yidhi ii wac newzealand.Nasiib wanaag habeenkaas waxaa soo afjarmay guuldarooyinkii jacelkeyga waxaana iga qabtay jaceylkeygii aan codkeeda aqaano hadana maskaxdeydii ayaa dib su’aal isu weydiisay su’aasaas oo ahayd {war heedhe taleefanka miyaad qaladay mise qoftu waa ifraax} laakiin taa waxaa ka jawaabay ifraax oo tidhi haye jaceylkeyga ii waran kolkaas ayaa waxaa iga soo fuqoy oof igu taagneyd Isku soo wada xoori dalnuurshe waxa uu ku siktay in uu jaceylkiisa waayo taas waxaa ugu wacneyda kala fogaanshaha waayo hadii ay dal wada joogaan ama dalkii hooyo xitaa haday xumeyso xitaa lugihiisa ayuu ugu tagi lahaa jaceylkiisaHamoogaan hana seegin qeybteedii labaad sheekadaan lamagac baxday jaceyl qurbo kugu galay garibaadiisu badanaa waxaadna ka heli kartaa wargeysaka dhambaal 

 

  Qore axmed maxamed Farah {indhajaceyl}

 

    

 

 

Dhibaatooyinka soo gaadha lamaanayaasha is jecel markay kal fogaadaan!!

 

 

waxaan  halkan ka salaamayaa maamulka  ummada reer soomaaliland meel walba oo ay ku noolyihiin waxaan doonayaa in aan ka hadlo ama aan halkan ku soo bandhigo arin u baahan in  aan kala taliyo dhamaan lamaanayaasha is jecel taas oo badanaa u keenta dhibaato dhanka lamaanayaasha is caashaqay waxaan in badan oo wakhtigan ah aan dareenaa in dhibaatooyinkaasi soo noqnoqdaan waayo hore ayaa loo yidhi jacaylkii kal dhoofa dhaayihii kala raaga dhibaataa  dhex timaada" waxayna dhibtani badanaa soo wajahdaa marka labada lamaane ee mucaashiqiinta isku ahi ay kala fogaadaan iyada oo wakhti kala geeyey arooska iyo xidhiidhka meherka hortiis taas oo keenta in labada dhinacba shaki yimaado sidoo kale waxaa meesha yimaada saddexeeye iyo in gabadh walbaa iyo wiil walbaa ba iska dhaadhiciyaan in qof walba lamaane kale raadsanayo oo jacaylkiisii hore halkaa ku eegyahay hadii ay kala fogaadaan, sida in uu la socod iyo sheeko la sameeyo ama lasameyso gabadh ama wiil kuu doono ha noqdee dhalin yarada uu la kulmay ee uu meesha kula noolaaday iyga oo baray qof kale kana dhaadhacsiinaya in aan qof binu aadan ah laysku aamini karin oo leh dumar layskuma haleeyo ama ina rag aamin ma galo,balse labada lamaane ee kala fogaaday marnab isma weydiiyaan sida aad adigu daacad ugu tahay qofka aad jeclaatay ayuu isagaun daacad kuugu yahay waxaanad moodeysaa in mar walab qalbigiisa ay ka tan badan yihiin dadka uu markaas soo dhex galay maalmo yar gudahoodan waxaad arkaysaa qofkii oo jacayl cusub sameeyey isaga oo leh jacayl hore waan soo sameeyey laakiin waan ku guuleysan waayey !!!

ma kula tahay in qof qalbigiisu nadiif yahay oo jacaylkiisu in yar laabta kaga jiro in uu been ka sheegi karo jacaylkiisa dhabta ah oo uu odhan karo waan ku guuleysan waayey mise waxay kula tahay in uu odhanayo waxaan si xad dhaaf ah u jeclahay hal qof oo dunida ku nool hadan iga durugsan?

 maxaa keenay in qofku jacaylkiisii dhabta ahaa ee u horeeyey uu been ka sheego isaga oo leh waa isoo maray jacayl laakiin wuu guursaday ama layga guursaday ama waan kala hadhnay iyo kelmado badan oo been ah oo uu doonayo in uu ku beer laxawsado qofka markaas uu doonayo barashadiisa.

runtii beentu waa mid aad u xun marka qofku kelmadaa leeyahayna ilaahay waa maqalayaa oo waxaa laga yaabaa in loo qaado oo dhab ay noqoto lagana guursado kadibna uu waali iyo isla hadal ku dhameysto waayo si walaba oo qofku uu u war wareego kama tago asal ahaantiisa jacaylkuna waa midka u horeeya ee dhabta ah in kasta oo dhalin yaradu jecel yihiin sidii ay marba qofka nafsadoodu doontay ula socon lahaayeen.

   Akhriste walba oo akhrista maqaalkan waxaan weydiinayaa su'aasha ah maxaad u tidhaahdaa kelmadaha aan kor ku soo xusay marka aad gabadh la kulantid adiga oo qarinaya jacaylkaaga ama marka aad wiil la kulantid ? taasi maaha ilaa hada mid ay dadku garanayaan waxa sababa laakiin waa xanuun ku dhex jira dadka is jecel ilaa xanuunkaa daawo loo helana wax hagaagayaa oo jacayl la odhan karaa ma jiro waayo beentu waxay mar walba burburisaa nolosha qofka binu aadanka ah mana u ogolaato in uu nolol raaxo ah ku noolaado, badanaa qoysas badan oo jacayl lagu dhisay ayaa muddo yar gudahood burbura taasina waa been ka dhex dhalatay dadka is jecel dhexdooda taas oo sababtay in kalsoonidu burburto.

           ma jiroqof binu aadan ah oo wax u hagaajin karo sidii la doonaayey laakiin waxaa loo baahan yahay in laysku dayo dadka is jecel ee kala dheeraaday wakhtiguna u saamixi waayey in ay hal meel ku wada noolaadaan waxaan mid walba uga digayaa kana codsanayaa in ay jacaylkooda dhabta ah been ka sheegaan iyaga oo door bidaaya qof cusub barashadii ama la socodkii taasi hadii ay suurto gasho oo qofku jacaylkiisa dhab ka sheego kalsooni,qaderin,kaladanbeyn,iyo is aaminid ayaa imanay nolol raaxo leh oo aan welwel iyo welbahaar lahayna way ku noolaanaya lamaanayaasha is jecel meel walba oo ay dunida kaga nool yihiin.

   ugu danbeyntii waxaan ka raali gelinayaa qof walba oo akhrista maqaalkan hadii uu khalad u arko qoraalkaaan soo bandhigay waxaan leeyahay ka raali noqda waayo ilaahay ayaan wax khaldin.

Q:yaasin axmed maxamed 'yasin lucky'

 

 

 LABA DARAN MID UUN DOOROO!

aduunyadan wax walba waa la arkaa oo way ku soo marayaan ee waxaa qisadan ii soo tebisay mid ka mid ah hablaha qurbo jooga ah taas oo ay taabatay ama ku habsatay saaxiibadeeda qaaliga ah.
 jacaylku waa noocyo badan yahay ee gabadhan waxay wiil iska jecelaadeen aalada intertnetka iyaga oo wada xidhiidhi jiray jacyl ba ana isu qaaday haba aduunyo sideedee hore ma ahaatee waxay gabadhii dareentay in wiilku ka sii jeedo oo hablo kale ku xidhan yahay iyada oo taasi jirto welina aanay qalbiga ka saarin ayey waxay gashay shil baabuur.
 wakhtiga ayaa kuu gargaaree waa ka soo kabatay shilkaa iyada oo wiilkii ay is barteena u yimi jacylkiina halkii kala sii anba qaaday wxuuu wakhti sidaa ahaadaba maalintii danbe ayey misana sidii si la mid ah ku aragtay waxayna go'aan ku gaadhay in ay ka hadho oo ay walaalti nimo ka dhacayso maadaama oo wiil kale baratay kaas oo u jecel si xad dhaaf ah oo aanay jecelayn iyadu markaa dad weyna waxaan ka codsan lahaa in ay codkooda ka dhiibtaan lbadaa wiil ee midna ay laabteedu dooneyso isaga oo ka sii jeeda mid kalena uu u heelan yahay waxayan go'aankan ku qaadan doontaa wadadii muqtasbalkeeda

Qoraa yaasiin axmed maxamed yasin lucky            

abdihakin11@hotmail.com

0706166684