Hoyga heesaha ee Dhambaalkii jecelka
Waxaad halkan ka heli kartaan heeso soomaali ah oo qoraal ah
|
Aan idiin Digo
Lafoole
Garashada dayoowdaay
Isma dhaanta dirirtaay Dibjir wada sarkhaamoo Darandoori laba dhinac Danab iyo madaafiic Magaaladii ku dumisaay Xageebaad hadhoow dagi Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xal ma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daysaan Armeey digasho reebtaa Dib armeey u eedaa Dagaalkii sokeeyaha Armeey caro is dooxdaa Sida duulki algu rogay Armaa daadku qaadaa Armeey dawgashiyo taah Hurdadaba la diidaa Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xal ma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daaysaan Xal beey waayi doontaa Dhalanbaabi beey noqon Mawjadaa daf siinoo Waxa sidii dabeylaha Dar xumeey ku noolaan Kala durugsanaantiyo Waa waxa loogu dawgalay Dacar ineey kabootee Taladaba kumeey darin Waa waxa loogu dawgalay Ineey dacar kabootee Taladaba kumeey darin War hooy aan idiin digo Ha la is dilo xalma ahee Dadku nolol ha raadshee Sida maad ka daysaan Taladaba kumeey darin |
Abaayo
Ibrahim Baadil Iyo Faadumo Duur
Kal gacalyka geeskaaga abaayo
adna yaanu ku gees marine abaayo
giijiyoo hasii deynin abaayo
Faaduma Duur
Kalgacaylkii guumoowyee aboowe
igu noqey maguuraane aboowe
gal galsho hurdadii nacaye aboowe
Ibrahim Baadil
Kal gacalyka geeskaaga abaayo
adna yaanu ku gees marine abaayo
giijiyoo hasii deynin abaayo
Faaduma Duur
Garanuug sideediiyeey aboowe
kali socoto moyaane aboowe
ma salaamo gacalkeeye aboowe
Ibrahim Baadil
Galabta caawa aheey
farxadiyo damashaadkani
guri galkeena weeyaane
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
goobeyney sheekadiiyeey
caawa aan gam'aayaaye
Ibrahim Baadil
Galabta caawa aheey
farxadiyo damashaadkani
guri galkeena weeyaane
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
Waliba caano iyo waliiba caan iyo
guulahaan ka barinaye
sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay
Faaduma Duur
Gurkaagu waa sharaf
gurkeynu waa sharaf
guri barwaaqiyo gabadh
guulehay hanagu simo
Beyddka Labbad
Ibrahim Baadil
Gacmahaagu waa dahabey abaayo
wardigan fargashiga ahay abaayo
iga guudoon oridaydaay abaayo
Faaduma Duur
Muuqa isla gaba xidhiye aboowe
leylana god ka u dhigay aboowe
cilmina geesaha u dhigay aboowe
Ibrahim Baadil
Gacmahaagu waa dahabey abaayo
wardigan fargashiga ahay abaayo
iga guudoon oridaydaay abaayo
Faaduma Duur
Kaa gudoomey aniguye aboowe
geedkeena caashaqey aboowe
midhihiisii maan gurane aboowe
Ibrahim Baadil
Gidigood haweenkoo idil
adaan kaa gacloodoo
gooni kuu ahaadee
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
goobeyney sheekadiiyeey
caawa aan gam aayaaye
Ibrahim Baadil
Gidigood haweenkoo idil
adaan kaa gacloodoo
gooni kuu ahaadee
Faaduma Duur
Mar hadaynu galabtaba
goobeyney sheekadiiyeey
caawa aan gam aayaaye
Ibrahim Baadil
Waliba caano iyo waliiba caan iyo
guulahaan ka barinaye
sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay
Faaduma Duur
Gurkaagu waa sharaf
gurkeynu waa sharaf
guri barwaaqiyo gabadh
guulehay hanagu simo
Ibrahim Baadil
Waliba caano iyo waliiba caan iyo
guulahaan ka barinaye
sidaa garo gacaladaay sidaa garo gacaladaay
Faaduma Duur
Gurkaagu waa sharaf
gurkeynu waa sharaf
guri barwaaqiyo gabadh
guulehay hanagu simo.
Jacaylkan I dhaawacey
Jaceylkan idhalan rogey
Jacaylkan idhaansadey
Jaceylkii dhabta ahaa
Soo dhawaatey halistii
Markaad iga dhaqaaqdee
Bal inaan ku dhiirado
Dhexdaan xidhanayaa
Malmal baan dhiteeysanee
Dhoof nooli kulantee
Ha dhalantaalin caashaqa
Dhakso iigu soo noqo.
Magool
Anba dhiigu kama fulo
Dhanbaal wadaha beerkoo
Sidaan dhaxal u yeeshuu
Idhex dagey ma guuree
Waxan dhuuni ka cunaa
Dhan dhanaansi kaliyee
Way dhaamisaa weel
Ilmada iga dhaceeysaa
Dhabankayga qooysee
Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon.
Kuluc
Dhaqaaq toobiyaha qaad
Dhulku taago taago
Dharaartuna dalaalimo
Malaa igao ku dhawroo
Wax ku dhiba ilaahey
Kuuma soo dhaweeyee
Gaadiidkana mid aan dhicin
Dheeliyeen usii raac
Dhakhso meel walba u taga
Dhoof nooli kulantee
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso iigusoo noqo.
Magool
Jacayl aan dhamaaneyn
Jacayl aan I dhaafeeyn
Dhuuxiyo wadnaha galey
Jacaylkii dhulkeeygiyo
Halkan igu dhibaayaan
Debed u dhoofinayaa
Waan soo dhiibi doonaa
Dhanbaal iyo waraaqo aan
Dhiig kusoo qoraayee
Dhawr nabad kusii joog
Ha dhantaalin caashaqa
Dhakhso waan usoo noqon.
waxaan sida u dhibta yar idiinku soo gudbineynaa heesihiina afka soomaaliyeed si aad uga haqab beeshaan micno iyo nuxurba
Cajebey cajiib
tubeec
Cajebey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa
sida geed cal iyo buur dheer
Carro-hodan ku yaalloo
Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Hoobaan casuus lihi
Laamaha is-celisoo
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabbaadhyiyo
Dusha sare caleentii
Cidhifka is la gaadhaan
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
Cad waxaad wadaagtaan
Dhulka oo cagaarloo
Cosobkii is gaadhiyo
Cagta meel la saaroon
La cuskado la haynoo
Fiid cawl horaantii
Cirka oo daruuruhu
Ku dhigeen canjiidaha
Dayixiyo cadceeduna
Cidhifyada ka joogaan
Sagal caasha saaraad
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
Sida faras cag fududoo
Cadda horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad goostaa
Raggu kuu cugtamayaa
Cimri dherer hadhkaagaan
Inay kula caweyaan
Culimada jacaylkee
Cawdeyda gooysee
Ii cadaadinaysaa
U calool yoobayaa
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caashaqo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
balaan kula Dardaarmee
sahra Axmed
Dawadii nafteydoow
balaan kula dardaarmee
dabuubtaan ku leeyahey
ku daabaco qalbiga oo
waligaa hasii deyn
duushayee allow nabadey
qoraxduna dalaalimo ee
caashaqana daadihi
waliga hasii deyn
Xassan Adan
Darmaan taan jeclaayey
balaan kula dardaarmee
dantu wada jir weeyee
docdaada yey ka beylihin
anna teyda igu daa
dunida oo barwaaqa ahey
dalka nabad ku sii joogee
caashaqana daadihi
waligaa hasii deyn
Sahra Axmed
Dayaxii iftiimow
balaan kula dardaarmee
dumarkana adoo kale
ta heshaa ma deysee
dookhaaga ka adkow
duushayee allow nabadey
qoraxduna dalaalima ee
caashaqana daadihi
waliga hasii deyn
Xassan Adan
Deymada u rooney
balaan kula dardaarmee
kuwa loogu dow-galey
labadii is doortee
kala dila dadka is jecel
ayaaney isku keen dirine
dunida oo barwaaqa ahey
dalka nabad ku sii joogee
caashaqana daadihi
waligaa hasii deyn
mudantii ahweynkay
maxamed mooge
|
Mudantii haweenkaay marwadii la sheegee dadku wada majiirtaay dumar lama mid dhigayee muxubada kal gacalkaa laanyahay magooshee midhihiyo caleentiyo manka lagu talaalee ubax lagu mariimee qurux lagu manaystaay mudo aan yarayn baan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayee muxibada kalgacalka hadba soo mir kacayaa Midhaha hadalku leeyey ereygiisa ma huraan waana loo mashxaradaa midaa taaladeedaa igu mayracaysaa marti waa la sooraa magan waa la bixiyaa haw udhuran masuuge maahmaahda sheegtayoo dhibtan ha igu madinine mudo aan yarayn baan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenadan sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayo muxibada jacaylka hadba soo mir kacayaa Masalooyin dhawroo mahadhooyideedaan kuu marinayaaye maqal waanadaydanoo miisaan warkeygoo caynkii xalaytoon waaba midhiq ii odhan madaxaanba duubtee naftu way ku maagtayoo kaa maar mi waydayee mudo aan yaraynbaan kugu soo maqnaayoo ma ogtahay habeenada sida mayayga roobkoo hadba maayad keenaa ii muuqa taayo muxibada jacaylkaa |
www.Dhambaalkiijeceylka.8m.com
ONKOD
Cabdi Tahliil
Onkod roobku madaayo
aarna taaha madaayo
anna taa ma ilaawoo
jacayl ood rogan maayo
oon hilaac bi in maayo
ayro weerar madaayo
ninlihi aamusi maaayo
ergo geesi madiidoo
ilaah tiisu ma oosho
calaf la iska ma ooto
ubax dayr ma qarsoomo
godka lay iskuma aayo
ifka la isu tudhaayee
iilka la isma gar gargaroo
aboor la iskama baajee
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.
Asaagay usha toosan
iyo ooda hagaagsan
hayiinkii asabaadee
madigii afar deeqa
inantiina ilwaadsan
ee asluubi u dheer tahay
sidaan u asteysto
kuu eegana yaaye
hadaan aamin idhaahdo
waa aqoonta haweene
oo rag iiga danbeeyo
halka ay ka cawayso
uur ku taalada maada
arimidiisa jacaylka
anigu soo dhaxli maayo
nabsi hay iga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.
Sida oogta hilaaca
ileyskeeda cadceeda
amaantaada libaaxa
malaa waanad ogeyne
ayaan uurkiyo maanka
wadnahayga agtiisa
sida aayad ku taalaa
uumiyaha u tusaayee
haadii aanu ibleysku
iga kaa anbineynin
inaad ii tudhi weydo
eegi maayo koley
arin kuuma hambeynee
araartii haku deeqdo
sina hayga adkeysan
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhexyiiliyo
ha iloobin aqoontee
Behind the Scenes of My Home Page
|
Waxaan ahay Bukaan Socod Lafoole
Nimanyahoow dad lama beero |

