Fanaanad Soomaali ah oo shaac ka qaaday in ay jeceshahay Ragga Jiimka qaada!! waa tuma? riix halkan

29/02/2012 22:24

 

Inta badan aduunka aan ku noolnahay haatan waxaa ka jira dagaal dhanka jirka ah kaa oo ugu danbeyntii si aan caadi aheyn dhaqan u noqday ragga aduunka ku nool gaar ahaan.

Xanuuno badan ayaa la sheegaa in uu u roonyahay Jiimka gaar ahaan in qofka maalin walba uu korkiisa ka saaro wasaqda ayaa ah mid wax badan ka badasha hanaanka jirka ee maalin kasta.

Fanaanda da’da yar ee Ikraan Caraale ayaa ka sheegtay barta Internet-ka ay kaga leedahay facebook-ga gaar ahaan in aad u jeceshahay ragga qaada biriha ayadoona ku macneysay arintaasi in ay tahay awooda gaar ahaan ay u leeyihiin ciyaarta sariirta iyo murqohooda oo noqda kuwa ay ku xakameyn karaan dhaqdhaqaaqa ka socona sariirta.

” aniga waxaan jecelaay in ninka aan rabo in qaadan karo ama uu i saarsan karo taana waxaa ka bixi kara kaliya ragga jiimka qaada” ayay tiri Fanaanada oo xiligaasi qosol gaaban ku dartay

Dhalinyarada Soomaalida ayaa haatan waxaad ku arkeysaa ayagoo inta badan dhisaaa jirkooda qaarkood waxa ay ciyaaraan Sports-ka nuucyadiisa kala gadisan qaarna waxa ay ku ekyihin in ay dhisaan jirkooda la jaanqaada aduunka intiisa kale waxaadna ku arkeysaa marka aad booqato goobaha lagu dhiso jirka dhalinyaro badan oo doonaya in ay dhisaan jirkooda si ay uga faa’ideystaan in ay ka helaan muuqaal wanaagsan oo jirkooda uu noqdo.